CHAMPIONS!! Man City oo ku guuleysatay FA Cup-ka, kadib markey garaacday Man United.

0
65

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulan xiiso leh ayaa Final-ka FA Cup-ka ku dhex maray kooxaha Man United iyo Man City kaas oo ay adduunka oo dhan si dhaw ula socdeen.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh oo ay Man City dhalisay gool wakhti hore ah kadib markii Ilkay Gundogan dhaliyay goolka 13 il-bidhiqsi markii ay ciyaartu socotay.

Kooxda Man City ayaa sii waday cadaadiska ay ku haysay kooxda Man United xilli ay Red Devils si fiican u difaacanaysay goolkeeda.

Kadib goolka Man City ayaa u muuqatay kuwo is dajiyay iyaga oo ciyaartooda u badalay in ay haystaan kubada una ogolaadaan Man United in ay ku soo laabato ciyaarta.

Man United ayaa ciyaaryasay weeraro rogaal celis ah iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 33-aad loo dhigay rikoodhe kadib markii Jack Grealish gacanta ku taabtay kubada waxana gool u badalay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United iska caabisay kooxda Man City kadib markii ay si xun ku bilaabatay ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Man City si dar-dar leh ku bilaabatay waxana ay doonayeen in ay dhaliyaan gool ay mar kale ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Sidii qaybtii hore ayay Man City dhalisay gool wakhti hore ah xiddiga Ilkay Gundogan Ayaa daqiiqadii 51-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxda Man City waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man City ku hogaaminayso.

Man United ayaa bilowday in ay raadiso in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay qaadyasay weeraro rogaal celis ah.

Dhinaca kale Man City ayaa maamulaysay ciyaarta waxana ay marar badan ku dhawaatay in ay Man United ka dhaliso goolal ay ciyaarta ku disho.

Labada kooxood ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay is dhaafsaday fursadaha iyada oo koox walba doonaysay in ay dhaliso gool ay ciyaarta wax uga badasho.

Man United ayaa wax walba u samaysay sidii ay ugu soo laaban lahayd ciyaarta xilli ay Man City lafteedu isku dayday in ay dhaliso gool ay ciyaarta ku disho.

Man United ayaa heshay fursad waali ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxana birta ku dhuftay xiddiga khadka dhexe ee McTominay kaas oo ku dhawaaday in uu kooxdiisa u dhaliyo bar-barhaa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City markii 7-aad ee taariikhdooda ku guulaystay koobka FA Cup-ka kuna garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here