Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guuleysatay horyaalka Premier League iyada oo aan ciyaarin oo ay ciyaartoydeedu guryahooda joogaan, kaddib markii ay Nottingham ka badisay Arsenal.
Man City ayaa u baahnayd kaliya in laga badiyo Arsenal si ay ugu guuleysato horyaalka iyada oo waliba saddex kulan ay uga hadhsan yihiin xilli ciyaareedkan.
Pep Guardiola oo ay kooxdiisu labadii xilli-ciyaareed ee hore kusoo guuleysatay horyaalka ayay u tahay markii saddexaad oo xidhiidh ah ee ay qaaddo, waxaanay barbarraysay rikoodhkan oo ay hore u haysatay Manchester United.
Manchester City ayaa ay sidoo kale u tahay markii shanaad ee ay horyaalka qaadan lix sannadood oo uu tababare u ahaa Pep Guardiola, halka ay taariikhdoodana ay tahay markii sagaalaad ee ay qaadan koobkan.
Bishan horraanteedii ayay Manchester City la wareegtay horyaalka Premier League markii ay Arsenal iska lumisay sagaal dhibcood afar ciyaarood oo saddex ay barbarro gashay, midna laga badiyey, waxaana hadda City ay diiradda saaraysaa labada koob ee kale ee ay finalkooda joogto ee Champions League oo ay Inter Milan la ciyaari doonto iyo FA Cup oo ay Man United ku ballansan yihiin.
Taariikh ayay dhamaystiri doontaa Man City haddii ay qaado labada koob ee kale ee ay finallada taagan tahay, waxaanay Manchester United kula biiri doontaa liiska kooban ee kooxaha saddex koob ee Premier League, Champions League iyo FA Cup ku wada guuleystay.
Sannadkii 1999kii ayay Manchester United isku darsatay saddexdan koob, mana jirto koox kale oo Ingiriis ah oo abid awoodday inay wada qaaddo saddexdan koob.