Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda chelsea ayaa sii wada guulaha premier League iyaga oo gaadhay guushoodii 2-aad oo xidhiidh ah isla markaas garaacay kooxda Leicester City.
Kulanka ayaa ahaa mid ay chelsea fiicantahay inkasta oo ay Leicester City iska caabin kala hor tagtay Blues.
Blues ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Leicester City ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolal.
Daqiiqadii 11-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Ben Chilwell kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Kooxda chelsea ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ku sii dheeraysato ciyaarta.
Daqiiqadii 35-aad ayay Blues dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Joao Felix laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.
Leicester City ayaa daqiiqadii 39-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Patson Daka kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.
Blues ayaa daqiiqadii 45+6-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay chelsea hogaaminayso.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta iyo natiijadaba soona bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.
Qaybtii dambe ayay Chelsea sii waday maamulista iyaga oo sii waday raadinta goolal kale.
Chelsea ayaa daqiiqadii 78-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mateo Kovacic kaas oo ciyaarta hurdo dheer u diray.
Daqiiqadii 79-aad ayay Chelsea dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Mudryk laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha offside.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul muhiim ah ka gaadhay Leicester City siina waday guulaha xidhiidhka ah.