Chelsea Oo Iska Xaadirisay Semi Finalka Koobka Adduunka Ee Kooxaha

0
15

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Chelsea ayaa iska xaadirisay semi-finalka Koobka Adduunka ee Kooxaha kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda reer Brazil ee Palmeiras.

Goolasha Chelsea waxaa u kala dhaliyey:

Cole Palmer

Malo Gusto

Dhanka Palmeiras, xiddiga da’da yar ee Estevao Willian ayaa dhaliyay goolka kaliya ee kooxdiisa, balse ma aysan filaynin guul.

Chelsea ayaa hadda wajahaysa Fluminense toddobaadka soo socda kulanka semi-finalka.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka Liam Delap ma ciyaari karo kulankaasi sababtoo ah wuxuu xilli hore qaatay jaalle, taasoo sababtay hal kulan oo ganaax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here