Chelsea oo Noqotay Kooxda Ugu Fiican Dunida

0
15
EAST RUTHERFORD, NEW JERSEY - JULY 13: Enzo Maresca manager / head coach of Chelsea lifts the FIFA Club World Cup trophy and celebrates with his players during the FIFA Club World Cup 2025 final match between Chelsea FC and Paris Saint-Germain at MetLife Stadium on July 13, 2025 in East Rutherford, United States. (Photo by Robbie Jay Barratt - AMA/Getty Images)

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay Koobka Adduunka ee Naadiyada 2025, kaddib markii ay si cad oo hufan 3–0 ugu garaacday Paris Saint-Germain ciyaartii kama dambaysta ahayd oo ka dhacday garoonka MetLife Stadium, New Jersey.

Xiddiga da’da yar ee reer England, Cole Palmer, ayaa hoggaanka u dhiibay Blues isagoo dhaliyay labo gool daqiiqadihii 22-aad iyo 30-aad, isagoo muujiyay farsamo sare iyo xasillooni cajiib ah.

Waxa uu sidoo kale caawiye ka noqday goolkii saddexaad oo uu dhaliyay João Pedro dhammaadkii qeybta hore, kaasi oo si qurux badan kubadda uga dulqaaday goolhayaha PSG, Gianluigi Donnarumma.

Chelsea oo uu hoggaaminayo Enzo Maresca ayaa soo bandhigtay ciyaar xeeladaysan oo ku dhisan difaac adag iyo weerarro degdeg ah. Goolhayaha kooxda, Robert Sánchez, ayaa sameeyay badbaadino muhiim ah si uu u ilaaliyo shabaqa nadiifta ah ee kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here