Chelsea oo saddex ciyaartoy ka saaraysa liiska Xiddigaheeda Champions League

0
52

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)- Kooxda kubadda cagta Chelsea ma awoodi doonto in loo diiwaangeliyo saxeexyadii cusbaa ee ay bishan January samaysay si ay ugu ciyaaraan tartanka Champions League, sababtoo ah hore ayuu uga buuxay liistadii ay u gudbiyeen UEFA, waxaana qasab ah inay isbeddel ku sameeyaan.

Mykhailo Mudryk ayaa noqday saxeexii shanaad ee ay Chelsea samayso xagaagan, waxaanay kusoo bandhigtay Stamford Bridge waqtigii nasashada ee ciyaartii ay Axaddii 1-0 kaga adkaadeen Crystal Palace.

£87 milyan oo ay bixiyeen ayaa  ka caawisay Chelsea, in ay saxeexa Mudryk ku garaacaan Arsenal, waxaana ka horreeyey oo ay iyagana lasoo wareegeen David Datro Fofana, Andrey Santos, Benoit Badiashile iyo Joao Felix oo uu tababare Graham Potter keenay Blues.

Chelsea ayaa waxay haysataa ciyaartooyo tiro badan oo aan kusoo korin Ingiriiska, waxaanay ku qasban yihiin inay ka diiwaangeliyaan UEFA oo ay liiskooda u gudbiyaan.

UEFA ayaa kaliya u diiwaangelin doonta Chelsea 17 ciyaartoy oo aan u dhalanin Ingiriiska ama kusoo korin, halka buuggooda ay ku jiraan 18 ciyaartoy sida ay sheegtay Daily Mail, waxaana laga doonayaa in ay xidhiidhka  Yurub u gudbiyaan liiskooda marka uu xidhmo suuqa iibka ee January.

Chelsea oo wareegga 16ka Champions League la ballansan Borussia Dortmund ayaa la filayaa in ay liiska ay UEFA u gudbinayso ku dari doonto Badiashile, Felix iyo Mudryk, balse marka hore waa in saddex ciyaartoy laga saaro, waxaanay wararku sheegayaan in Christian Pulisic, N’Golo Kante iyo Denis Zakaria ay noqon doonaan kuwa laga saarayo liiska kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here