Chelsea Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka.

0
68
COBHAM, ENGLAND - MARCH 28: Head Coach Enzo Maresca of Chelsea during a training session at Chelsea Training Ground on March 28, 2025 in Cobham, England. (Photo by Darren Walsh/Chelsea FC via Getty Images)

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Chelsea ayaa tababarka ku soo dhaweysay xiddigaha Cole Palmer iyo Noni Madueke jimcihii ka hor kulanka Premier League ee todobaadka soo socda ay la ciyaari doonaan Tottenham Hotspur.

Palmer ayaa seegay kulankii ay Chelsea guuldarada kala kulantay Arsenal ka hor fasaxii caalamiga ahaa ee March.

Jackson ayaa sidoo kale ku soo laabtay tababarka kadib markii uu dhaawac muruqa ah ku maqnaa muddo laba bilood iyo badh, si uu si weyn ugu xoojiyo safka hore ee Chelsea ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Chelsea ayaa heshay war wanaagsan oo ku saabsan soo laabashada xiddigaha, taasoo muhiim u ah tartanka loogu jiro booska Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here