Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Howlgalo ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka fuliyeen Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay Hub sharci darro ah, eedaysanayaal lagu qabtay falal amniga liddi ku ah iyo kuwo isticmaalayey maan-dooriye.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/le Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgaladii dhacay, kiisaska lasoo bandhigay, digniin iyo amarro cusub oo Taliska Boolisku ku soo rogay Mootooyinka Bajaaj-ta iyo FEKON-ta ee Muqdisho ka howlgala.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed