Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ciidanka Booliska degmada Guriceel ayaa sameeyay howlgalkan si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadgelyada inta lagu jiro xilligan muhiimka ah, iyadoo dadka reer Guriceel ay si ammaan ah u gudan karaan cibaadadooda iyo hawlaha kale ee bisha Ramadaan. Howlgalkan ayaa sidoo kale ka hortagaya falalka amni darro ee suurtagalka ah, iyadoo la hubinayo in bulshada ay ku noolaanayaan xaalad nabad ah inta lagu jiro bisha barakaysan.
Abdullahi Abdulkhadir ayaa soo jeedinaya.