Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)– Man City ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen kooxda hogaanka haysa ee Arsenal oo ay uga talaabsadeen afar gool iyo hal , waxa ayna si rasmi ah u soo nooleeyeen rajadooda ah in horyaalka qaadi karaan marka la eego kulamada u haray .
Sheekada ciyaarta: Man City ayaa nasiinada ugu dirtay Arsenal laba gool oo nadiif ah ka dib qeyb ay City maamulatay kubadda
Arsenal diyaar ma aheyn qeybtaas , haddii aysan ahaan laheyd fursado City qasaariyeen Arsenal qeybtaas tiro goolal ah ayaa nasiinada loogu diri lahaa
Man City aad ayay u wacnaayeen , qadka dhexe maamulkiisa ayay la wareegeen , waxaana Arsenal lagu toogtay in boosaska gaar ahaan qadka dhexe la isu bad badallo .
Arsenal qaladaad waa weyn ayaa ka dhacayay marka laga yimaado qadka dhexe , weerar ahaan maqane jooge ayay ahaayeen halka daafacooda si ka bad badis ah u soo baxaayeen taasi oo fursado siineysay City
Arsenal niyad ahaan ma wacneyn si ayuu wel wel ugu muuqday halka City dagaal ugu jireen in natiijada waqti hore maamulaan , waxaan goolasha u kala dhaliyay De Bruyne iyo Stones .
Qeybta labaad: biloowgii ,City isku dayo ayay sameynayeen balse waxaa hor taagnaa goolhayaha Aresenal oo fursado u u diidayay.
Arsenal diyaar uma aheyn kulankaan , waa la weerarayay kubadana waa loo diiday in cagtooda gasho waxaana laga dhaliyay gool sedexaad oo cajiib ah waxaana daqiiqadii 54-aad labeystay De Bruyne
Dhamaadkii Arsenal kubadda cagtooda waa ku daaheysay balse xal ma jirin xilli daqiiqadii 82-aad isku gool noqon karay isku dayeen iyadoo waqtigii geerida ay heleen goolka shaarafta waxaana daqiiqadii 86-aad u saxiixay Holding