Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo gabagabeeyay ciyaaro loogu talagalay xoojinta isdhexgalka bulshada, kuwaas oo socday muddo toddobaad ah. Ciyaarahan oo ay ka qeyb galeen dhalinyaro ka kala socotay xaafadaha iyo ururrada bulshada ee degmada ayaa ahaa kuwo lagu dhiirrigelinayay wadajirka, nabadda iyo is-aqoonsiga bulshada.
Munaasabadda xiritaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada, ururrada dhalinyarada iyo bulshada rayidka, kuwaas oo ku bogaadiyay dhalinyarada sida ay uga qayb qaateen ciyaaraha nabadeynta bulshada.
Warkan waxaa faah faahinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf


