Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal Thomas Partey oo lagu soo eedeeyay kufsi

0
6

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa lagu soo eedeeyay shan dambi oo isugu jira kufsi iyo weerar galmo. Dambiyada ayaa la sheegay inay dhaceen intii u dhaxaysay 2021 ilaa 2022, sida ay sheegeen booliska.

Saddex haween ah ayaa qayb ka ah eedaha loo soo jeediyay ciyaartoyga, iyada oo labo ka mid ah dambiyada kufsiga lagu eedeeyay inuu u gaystay mid ka mid ah haweenkaasi.

Ciyaartooyga xulka qaranka Ghana ayaa iska diiday eedaha loo soo jeediyay, waxa uu soo dhoweeyay fursada uu ugu dambaynta magaciisa uu kaga nadiifinayo eedaha, sida uu sheegay qareenkiisa.

Ciyaartooygan 32 jirka ayaa heshiiskii uu kula jiray Arsenal uu ka dhamaaday Isniintii, ka dib markii uu ciyaarayay kooxdaasi tan iyo 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here