Courtois: Arsenal Ayayna Iloobin In Aan Liverpool Ku Xasuuqnay Garoonkeeda.

0
34

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa hadal kulul u jeediyay kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal ka hor lugtii hore ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Labada kooxood ayaa ku kulmi doona fiidnimada berri garoonka Emirates Stadium ee caasimadda ka hor inta aysan mar kale isku arkin lugta 2-aad 16-ka Bishan lagu jiro.

Courtois oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma aanan ogeyn in Arsenal aysan halkaan gurigeeda looga badin muddo laba sano ah, uma maleynayo inay wax badan ka beddesho arrinta.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxay la mid tahay in Real Madrid ay ku guulaysatay Champions League 15 jeer, tani waxba ma beddeli doonto.”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waan ognahay in Arsenal ay tahay koox ku adag gurigeeda, Liverpool sidoo kale way xooganayd markii aan gurigooda ku garaacnay 5-2”.

Waxa uu intaa ku daray “Kulan walba waa ka duwan yahay, kulankaan waa kulankii ugu horeeyay ee aan halkaan ku ciyaari doono, waxaana ognahay inay yihiin kuwa xoogan, halkaan ayay kaga badiyeen Manchester City, taas ayaana maskaxda ku heyn doonaa”.

Kulanka uu Courtois u jeedo ayaa ah kulanka ay Real Madrid la ciyaartay Liverpool kana tirsanaa champions League oo dhacay 21 bishii February 2023 kana dhacay Anfield.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here