Culimada Galmudug oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan xalinta khilaafaadka.

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Nuur Maxamed Dhiblaawe oo ka mid ah aqoonyahannada ku nool Galmudug, kana qeybgalay Barnaamijka Doodda Toddobaadka, ayaa baaq u diray Culumada Awdiinka Galmudug, isaga oo ugu yeeray inay ka qeyb qaataan xalinta khilaafaadka iyo xasiloonida deegaannada.

Sidoo kale, Nuur Maxamed Dhiblaawe ayaa sheegay in loo baahan yahay wacyigelin xooggan oo ay culumadu hormuud u yihiin, si bulshada loo fahamsiiyo dhibaatooyinka ka dhasha dagaallada sokeeye ee dalka ka jira.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here