Culumadda degmada Caabudwaaq oo ku baaqay in laga qayb qaato dhismaha xarunta agoonta degmadaas

0
23

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qaar ka mid ah culimada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ku baaqay in laga qeybqaato dhameystirka xarunta agoonta ee degmadaas, taas oo loogu talagalay in lagu daryeelo carruurta agoonta ah ee ku nool deegaanka.

Culumadu waxay sheegeen in xaruntu ay tahay mid muhiim u ah bulshada, gaar ahaan carruurta nugul ee u baahan daryeel, waxbarasho, iyo hoy nabdoon. Waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabka, ganacsatada, hay’adaha samafalka, iyo dhammaan dadka kheyrka jecel in ay kaalintooda ka qaataan dhismaha xarunta, si loo hirgeliyo adeegyo tayo leh oo waxtar u leh mustaqbalka carruurta agoonta ah.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here