dadka deegaanka Haamcaduur ee gobolka Galguduud oo Biyo dhaamin loo sameeyay

0
79

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudiga Gurmadka Abaaraha ee degmada Cadaado ayaa biyo dhaamin ka fuliyay deegaanka Haamcaduur ee hoos taga degmada Baxdo, Gobolka Galgaduud. Biyo dhaamintan ayaa loo sameeyay bulshada ku nool deegaankaas, kuwaasoo muddo dheer la daalaa dhacayay biyo la’aan ka dhalatay abaaraha ba’an ee soo food saaray Gobolka Galgaduud.

Biyo dhaaminta ayaa waxaa lagu guuleystay in dadka deegaanka loo fududeeyo helitaanka biyaha nadiif ah, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu caawinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Deegaanada hoos degmada Cadaado iyo degmooyinka kuxeeran.

Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here