Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-In ka badan 24 milyan oo codbixiyeyaal Algerian ah ayaa maanta oo Sabti ah u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub oo dalkaasi yeesho.
Saddex musharrax ayaa ku tartamaya doorashadan madaxtinimo: Madaxweynaha hadda, Abdelmadjid Tebboune (78 jir), saxafi hore iyo madaxa Jabhadda Socialist Forces, Youssef Ouchich (41 jir), iyo madaxa dhaqdhaqaaqa jihaadka Islaamka ee Bulsho nabadeed, Abdelali Hassani Cherif (oo 57 jir).
Doorashadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda dalkaasi, kadib markii ay dalkaasi ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo dalkaasi ka dhacay muddo ku dhow 5 sano ka hor, taasi oo keentay in uu xilka iska casilo Madaxweynihii geeriyooday ee Abdelaziz Bouteflika, kadib mudo ka badan 20 sano oo uu dalkaasi xukumayay.
Goobaha codbixinta ayaa furmay 07:00 GMT waxayna xirmi doonaan 19:00 GMT. Natiijooyinka hordhaca ah ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo fiidnimada Sabtida, iyadoo natiijada rasmiga ah ay soo bixi doonto maalinta Axadda.