Dadka u ololeeya arrimaha deegaanka Dhuusamareeb oo sheegay in Xaalufinta dhirtu ay kamid tahay sababha coladaaha ka dhex abuura Bulshada reer Galmudug.

0
70

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Qaar kamid ah wax-garadka bulshada ku nool Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaaBarnaamijka Horumarinta Nabadda ee Radio Daar-dheer u sheegay in Colaadaha ay kaalin wayn kuleedahay jarista dhirtu, waxaa ay isku raaceen in bulshada miyiga deggan ay dhibanne u noqdaan colaado ka dhashay Xaalufinta Dhirta.
Nabaddoon Diiriye Cali Abditoon, Calas Cabdinuur Barre iyo Ubax Xasan ugaas ayaa sheegay in loo baahanyahay in lagu baraarugo Saamaynta ay reer guuraaga u keento marka ay jaraan geedaha taasoo khilaafaadka ka dhashaahi uu horseedo xasarado dhibaatooyin u horseeda bulshada.Inta badan colaaduhu waxaa ay yimaadaan marka uu yaraado calafka xoolaha iyo biyuhu taasina waxaaay badanaa dhacdaa marka ay roobabku yaraadaan ama aysan da’in xilliyada la sugayo.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Cabdidaahir Garaad Cali.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here