Dalalka Islaamka oo si kulul u cambareeyay tallaabo ay qaadeen baarlamaanka Israa’iil

0
27

Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)-15 wadan oo Islaam ah oo ay ku jirto Pakistan ayaa si wada jir ah u cambaareeyay sharciyada uu soo saaray baarlamaanka Israa’iil ee ay Israa’iil ku doonayso inay ku qaadato Daanta Galbeed.

Wadamada Islaamka ayaa sheegay in sharcigan uu dhigayo in Israa’iil ay isku dayayso in ku qaadato Daanta Galbeed.

Siyaasiyiinta midigta fog ee Israa’iil ayaa ansixiyay horudhac sharci ah oo awood u siinaya Israa’iil inay ku darto Daanta Galbeed dhulkeeda, sharcigan ayaa imaanaya maalmo uun ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dhexdhexaadiyay heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka labada sano socday.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in haddii Israa’iil ay qaado tallaabo noocaas ah ay lumin doonto taageerada Mareykanka. Bayaanka wadajirka ah ee dalalka Islaamka ayaa cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo sheegay inay tahay isku day aan la aqbali karin oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku soo rogto dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Baaqa waxaa soo saaray Pakistan, Sacuudiga, Qatar, Urdun, Indonesia, Turkey, Jabuuti, Cuman, Gambia, Falastiin, Kuwait, Libya, Malaysia, Masar, Nigeria, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here