David de Gea Oo Ku Guulaystay Gacanta Dahabka Ah.

0
56

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)- Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa ku guulaystay gacanta dahabka ah ee Goolhayaha Ugu Fiican Premier League xilli ciyaareedkan.

De Gea ayaa ilaashaday shabaqiisa kulamada ugu badan ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha reer Spain ayaa shabaqiisa ilaashaday 17 kulan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo kaga fiican dhamaan Goolhayayaasha kale ee horyaalka.

Kadib markii uu xilli ciyaareedku si Rasmi ah u dhamaaday Goolhaye De Gea ayaa ku guulaystay Goolhayaha shabaqiisa ilaashaday kulamada ugu badan

Inkasta oo uu dhaleecayn xoogan la kulmay xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha khaladaad uu sameeyay hadana De Gea ayaa shabaqiisa ilaashaday kulamada ugu badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here