Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ciyaaryahankii hore ee Barcelona, David Villa ayaa ku taageeray Lamine Yamal inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.
Xidigii hore ee xulka qaranka Spain ayaa aaminsan in 17-sano jirkaan uu u qalmo abaal marinta Ballon d’Or sababtoo ah wax fiican ayuu u qabtay Barcelona xilli ciyaareedkan.
Isagoo ka hadlayay goob fagaare ah, Villa ayaa ka yiri”Waan arki doonnaa, waxaan filayaa inuu wax fiican qabtay”
“Weli dhawr toddobaad ayaa ka haray xilli ciyaareedka, waadna ogtahay inay tahay abaal-marin aanan waligay run ahaantii rumaysan”.
“Wuxuu ku guuleysan doonaa maalin, hubaal.”