Kevin De Bruyne ayaa muujiyay farqiga u dhexeeya Pep Guardiola iyo Antonio Conte.
De Bruyne ayaa ka tagay Manchester City isagoo si xor ah ugu biiray Napoli xagaagan.
Laacibka khadka dhexe ee reer Belgium ayaa haatanba 3 kulan oo saaxiibtinimo ka hoos ciyaaray tababare Antonio Conte.
Intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed, De Bruyne waxa uu ka soo hoos ciyaaray Jose Mourinho, Manuel Pellegrini iyo Dieter Hecking.
Laakin 34-jirka ayaa waqtigii ugu badnaa kula soo shaqeeyay Guardiola City.
Wareysi uu siiyay Corriere dello Sport, De Bruyne ayaa yiri: “Waxaan odhan karaa waxa ay u ciyaaraan laba qaab oo kala duwan Pep malaha wuxuu diirada saarayaa xakameynta kubada iyo heysashada, halka Conte uu yahay mid diirada Saara qaab dhismeedka “.