Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabadda dhagax-dhigga isbitaalka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo, odayaal dhaqameed, haween, iyo dhallinyaro ka kala yimid daafaha degmada.
Isbitaalkan cusub ayaa la filayaa inuu si weyn u horumariyo adeegyada caafimaad ee deegaanka, isagoo u adeegaya kumannaan qof oo horey u waayay adeeg caafimaad oo dhammeystiran.
Waxaa la rajeynayaa in isbitaalku bixiyo adeegyo ay ka mid yihiin: bukaan-socod, bukaan-jiif, umuliso, daaweyn degdeg ah, iyo tallaal.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi