Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Guriceel Farah Abdi Moalim oo ay wehliyaan taliye xigeenka Saldhigga police-ka degmada iyo madaxda dalladda wax-barashada ee Baraa-rug ayaa dhagax-dhigay dhismaha school hoose & dhexe oo uu yelanayo deegaanka Raamaale oo hoos yimaada Degmada Guriceel.
School-kan oo ay billaabiddiisa iska kaashadeen Maamulka Degmada iyo dalladda baraarug ayaa noqonaya Mid caynkan ah kii ugu horreeyey oo uu yeelanayo deegaankaasi.
Warkan waxaa soo jeedinaya.Liban Mohamed Abdi