Dhismaha Isbitaalkii ugu horreeyay oo laga billaabay deegaanka Wara-dhuumale ee gobolka Hiiraan.

0
88

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wara-dhuumale, deegaan katirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib waayo ay hooyooyin badan u umul-raacanayeen adeeg caafimaad la’aan, waqti dheer oo dhalinyaro badan dhiig-bax ugu dhimanayeen inaysan heli Karin cirbadda dhiig joojinta aya Dhalinyaro u midowday dhismaha xarumaha danta-guud ee bulshada loogu adeego kuwooda ugu muhiimsan waxaa ay billaabeen hirgelinta Isbitaalkii ugu horreeyay ee deegaanku yeesho.

15-kii May 2023 ayaa la dhagax-dhigay dhismahan balse horraanta Bishan December ayaa kadib dhaqaale ay jeebkooda ka aruuriyeen la taagay unugga koowaad ee Isbitaalka.

Wara-dhuumale waxaa dadkiisu hadda adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka u doontaan degmada Guriceel oo qiyaastii ku dhowaad 80km u jirta, arrintaas oo soo celcelisa xaaladaha u dhaca adeeg caafimaad la’aanta deegaanka maadaama aysan u fududayn in masaafo 80km gaaraysa adeeg caafimaad oo deg deg ah loo aado.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here