Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Masuuliyiin ka socday maamulka Galmudug iyokan Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa deegaanka Xaar-xaar oo qiyaastii 8Km u jira degmada Gaalkacyo waxaa ay ka dhagax dhigeen dhismaha dugsi lagu baranayo qur’aanka Kariimka ah oo qayb ka ah Machadka Imaamu Khazaali ee gobolka Mudug.
Sida ay sheegeen masuuliyiintu waxaa deegaankan ka jirtay baahi la xiriirta xarun lagu barto qu’aanka, Ugu horrayn Sheikh Axmad Samatar maamulaha Machdka Al khazaali ayaa faah faahin ka bixiyay dhismaha dgsigan iyo kharaska ku baxaya.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali