Deegaanno u dhexeeya Matabaan iyo Maxaas oo isbaarooyin laga qaaday.

0
32

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Taliyaha Booliiska Degmada Matabaan ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan, Dhamme Cabdifitaax Fooneeye, uuna wehlinayo Gudoomiye ku xigeenka dib u heshiisiinta Gobolka Hiiraan Macalin Nuur Cilmi Garre ayaa ku guuleystay inay ka qaadaan deegaanka Laan-cadaad, oo u dhaxeysa Matabaan iyo Maxaas, laba isbaaro oo halkaasi taalay, Isbaarooyinkaas ayaa dhibaato weyn ku hayay dadka iyo gawaarida halkaasi mara.

Howlgalkaan oo ay fuliyeen laamaha amniga ee degmada Matabaan ayaa ku soo beegmay xilli ay dhawaan si adag uga hadleen odayaasha dhaqanka ee deegaannadaas, Odayaasha ayaa codsaday in si degdeg ah loo qaado isbaarooyinka sharci-darrada ah ee ay dhigteen kooxo burcad ah, iyagoo ugu baaqay laamaha amniga in ay wax ka qabtaan dhibaatadaas.

Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here