Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa deeq gargaar ah gaarsiisay 2,345 qoys oo kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Kismaayo, xarunta maamulka Jubbaland.
Deeqdan oo ka koobnayd agabyo kala duwan sida teendhooyin roobka celinaya iyo dhar ayaa loo qaybiyey qoysaska barakacayaasha ah ee wajahaya xaalado adag oo la xiriira saboolnimo iyo abaarta saameysay qaybo badan oo ka mid ah dalka.
Sacdio Abdulkadir ayaa warkan soo jeedinaysa.


