maamulka Jubaland ayaa deeq raashin ah u qaybiyay qoysas danyar ah oo ku nool deegaanka Janaay Cabdulle. Qaybinta raashinka ayaa la sheegay inay tahay dadaal lagu caawinayo dadka ku nool deegaanada ay ka jiraan xaalado nololeed oo adag. Deeq ayaa ka timid boqortoyada sacudiga tasoo iskugu jirtay bur bariis sokor iyo timir.
Maamulka Jubaland iyo hay’adaha taageera ayaa sidoo kale ku dadaalaya sidii ay u gaarsiin lahaayeen gargaar nololeed oo dheeri ah dadka ku nool meelo fogfog iyo kuwa ku jira xaalado adag.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed