Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhaqaaqday saxeexa xiddiga reer Portugal ee Joao Felix oo ay 48ka saacadood ee soo socda kula soo wareegayso, ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.
Barcelona ayaa la sheegay in ay daraasaynayso sida LaLiga uu uga ogolaan doono inuu u diiwaangeliyo laacibkan iyo sida uu saamayn ugu yeelan karayo sharciga dhaqaalaha ee dheelitirka dakhliga iyo kharashka.
Sababta kaliya ee Barcelona ay uga gaabinaysay saxeexa Joao Felix ayaa lagu sheegay in ay tahay hubanti la’aanta ka haysata in ay diiwaangelin karayso iyo in kale, balse sida kale ay ka go’an tahay in ay la saxeexdaan oo uu mar horeba ansixiyey tababare Xavi Hernandez.
Joao Felix ayaa go’aansaday in uu sugo Barcelona illaa maalinta Jimcaha ka hor inta aanu ka jawaabin dalabyo uu ka helayo kooxaha horyaalka Sucuudiga oo si weyn u doonaya, sababtuna waa in uu doonayo inuu rumeeyo riyadiisa ah in uu mar uun u ciyaaro Barcelona.
Laacibkan oo bishii July la hadlay saxaafadda ayaa yidhi: “Waxa aan jeclaan lahaa in aan ku biiro Barcelona, waxay ahayd riyadayda tan iyo carruurnimadii.”