Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Deegaanka jaaw oo dhanka koofureed ugu beegan degmada guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hirgeliyey iskuul.wax lagu Baro ardayda deegaanka jaaw deegaanka ayaa waxaa booqasho kutagay maamulka degmada guriceel dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyagoona halkaas kaxarig jaray iskuulka deegaanka oo markii ugu horaysay laga hirgeliyo deegaanka jaaw iskuulka deegaanka ayaa waxaa si iskutashi ah kudhisay dadka deegaanka iyagoona baaq udiray Wasaarada waxbarashada galmudug si ay uhelaan waxbarasho
Dhalinyaradii iyo aqoon yahankii qayb ka.ahaa booqashada ayaa dadka deegaanka ku.amaanay dadaalka ay kudhiseen iskuulka deegaanka iyagoo sheegay in looga baahan yahy masuuliyiinta dowladda in ay qaybtooda kaqaataan wax yaabaha kadhiman dadka deegaanka iyo iskuulka intaba.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi