Degmada Balcad oo laga daah furay mashruuc cunto qeybina

0
118

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa degmada Balcad, ka daah furay mashruuc cunto qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah. Kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan 5,705 oo qoys una dhiganta (34,230 ruux) oo ku nool degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle.

Ugu Horeyn Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Furdug, ayaa shacabka ugu baaqay inay si hufan uga faa’iideystaan mashaariicda lagu taageerayo bulshada, si loo yareeyo saamaynta xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaadda.

Waxaa soo jeedineya: Abdifitah Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here