Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu qabtay kulan ciyaareed lagu maamuusayo Todobaadka Xorriyadda, xilli guud ahaan dalka laga xusayo maalmaha xornimada Soomaaliya ee taariikhiga ah.
Kulankan ciyaareed oo ay iska kaashadeen maamulka degmada iyo xiriirka kubadda cagta Balcad ayaa ahaa mid xambaarsan farriin dhalinyaranimo, isdhexgal, iyo dhiirrigelin nabadeed.
Kulanka ayaa dhexmaray kooxo ka dhisan degmada, iyadoo daawashadiisana ay goob joog ka ahaayeen boqolaal dadweyne ah oo taageero u muujinayay ciyaartoyda iyo munaasabadda.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Abdulahi Abdulkadir Nor