Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa si rasmi ah looga dhagax dhigay garoon diyaaradeed cusub oo lagu dhisi doono si isxilqaan ah. Munaasabadda dhagax-dhigga oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu muujiyay ahmiyadda mashruucan.
Garoonkan diyaaradeed ayaa loogu talagalay inuu fududeeyo isku socodka dadka iyo ganacsiga, maadaama Beledxaawo ay ku taal xuduud muhiim ah oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor