Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa daahfuray Xafiiska Diiwaangelinta iyo Bixinta Kaararka Aqoonsiga Dadweynaha ee Degmada Dharkeynley, asigoona noqday qofkii ugu horeeyay ee xafiiskaasi ka qaatay Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha.
Munaasabadda daahfurka Xafiiskaan waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxda Hey’adda NIRA iyo mas’uuliyiin kale.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed