Degmada Diinsoor oo Laga dhagax dhigey Dugsi Sare.

0
15

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa si toos ah looga dhagax dhigay dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Sheekh Xuseen, kaasi oo door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta waxbarashada ardayda degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha Degmada Diinsoor, waxaana sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan bahda waxbarashada degmada, odayaasha deegaanka, waalidiin, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale oo badan.

Warkan waxaa soo jeedineysa: Sacdiya Abdulkaadir yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here