Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Degmada Mahadaay ayaa lagu doortay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee degmadaas. Doorashadan ayaa waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday maamulka degmada iyo dadka deegaanka, waxaana si nabad ah loo qabtay. Xildhibaanada la doortay ayaa waxay noqon doonaan kuwa ka qeyb qaata go’aanada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee degmada Mahadaay, iyagoo sidoo kale ka shaqeyn doona dhibaatooyinka ka jira deegaanka. Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo u adeegaysa danaha dadka deegaanka iyo horumarinta maamulka degmada.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Ahmed Mohamed Jama.