Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Koox dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa si isxilqaan ah waxaa ay u billaabeen horumarinta Bilicda magaalada iyagoo sida ay sheegeen aasaasay Shirkad howsheedu tahay nadiifinta magaalada.
Waxaa ay xuseen in shirkaddoodu dadaal ku bixinayso sidii loo aruurin lahaa qashinka loogana fogayn lahaa magaalada.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali