Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Munaasibada oo ahayd mid lagu daah furayay dhismaha Golaha deganka degmada Dhuusamareeb ayaa xalay lagu qabtay hoolka xarunta INJ waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigenka Galmudug wasiirada xildhibaano ka mid ah Golaha Sharci dajinta Galmudug, Maamulka Gobalka Galgaduud, maamulka Caasimada & qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimada.Wasarada arimaha Gudaha Galmudug oo soo qaban qabisay xafladan oo u jedkedu ahaa daahfurka golaha deganka Dhuusamareeb ayaa waxaa hadalo kajediyaya sona dhaweyay masuliyintii iyo madaxdii kazoo qaybgashay. Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug ayaa sheegay in caawa laga bilaabo golaha Deegaanka Caasimada Galmudug u si rasmi ah u faray yahay.Madaxweynaha ayaa sido kale tibaaxay in sanadka inta ka dhiman Dowlada Galmudug ay dhamaystiri doonto Dagmoyinka kale ee aan lahayn Goleyaasha deeganka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Cabdifitaax Maxamed Axmed.