Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Waxaa si rasmi ah loo bilaabay dhismaha wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, taasoo dhowaan uu si rasmi ah dhagax dhig ugu sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Dhismahan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa isku socodka dadweynaha, ganacsiga, iyo adeegyada bulshada ee labada degmo.
Mashruucan ayaa ka mid ah dadaallada dowladda Galmudug ay ku horumarinayso kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirnaanta gobollada, waxaana laga filayaa in uu si weyn u yareeyo dhibaatooyinka safarka iyo gaadiidka, gaar ahaan xilliyada roobka. Dhismaha wadadan ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu abuuro fursado shaqo oo muhiim u ah dadka deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed