Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dhismaha Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan maraya heer gabagabo, sida ay sheegeen guddiga ku howlan hawsha dhismaha.
Xildhibaan Nuunow, oo ah injineerka gacanta ku haya mashruuca, ayaa sheegay in dhismaha uu marayo heerkii ugu dambeeyay, iyadoo la sugayo kaliya in la dhammeystiro qeybo ka mid ah gudaha iyo dibedda xarunta.
Dhinaca kale Xildhibaan Faysal Axmed iyo Xildhibaan Abdirahman Cigaal ayaa sheegay in dhismahan uu muhiim u yahay hay’adaha sharci-dejinta ee Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor