Dhlinyaro Maamulka kacodsadatay in Shaqo abuur loo sameeyo Dhuusamareeb.

0
47

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Dhalinyaradaan oo kamida dhalinyarada kaxoogsata magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug kuna shaqaysta xirfada baabuur dhaqista ayaa codsaday in laga gacansiiyo abuuritaanka fursado kale oo shaqo maadaama tiradoodu korortay shaqaduna yartahay islamarkaana mararka qaar ay dhibaatooyin kala kulmaan dadka ay ushaqeeyaan.
Isaaq Aadam iyo Maxamed Xasan waxa ay kamid yihiin dhalinyarada kushaqaysta xirfada baabuur dhaqista waxayna Radio Daar-dheer oo lahadlay usheegeen inay dalbanayaan in fursado shaqo loo abuuro si ay noloshooda umaareeyaan.
Dhalinyaradaan xoogsatada ah ee baabuur dhaqista kushqaysta ayaa kacodsaday madaxda dowlad Goboleedka Galmudug,hay,adaha samafalka iyo dadka wax haysta in laga gacansiiyo in shaqo kale loo abuuro maadaama ay noloshooda ladaalaa dhacayaan.
Dhalinyarada baabuurta kudhaqda Dhuusamareeb ayaa tiradoodu marba marka kadanbaysa aad usii kordhaysaa taa oo keentay shaqadii ay kushaqaysa jireen yaraato

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bashiir Mohamed Salad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here