Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha XFS ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daahfuray shir looga hadlayo Hannaanka Diiwaan Gelinta Ganacsiyada Soomaaliya kaas oo ay ka soo qeyb-galeen wasiirada ganacsiga dowlad goboleedyada kala ah Koofur Galbeed,Jubbaland,Hirshabeelle,iyo Galmudug oo shirka martigalisay waxaana xusid mudan in Puntland aanay kasoo qayb galin.
Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah, ayaa loga wada hadli doona daadejinta Hannaanka Diiwaan Gelinta Ganacsiyada Soomaaliya loona gaarsiin lahaa dhamaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayo in loo fududeeyo Ganacsiga loona dhiirigeliyo Maalgashiga dalka.
Warbixintan waxaa inoo soo jeedineya-Abdullahi Abdulkadir Nur.