Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayay hidaha, dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Agaasimaha Waaxda Hidaha iyo Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Marwo Xaawo Abtidoon, iyadoo lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb.
Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista iyo ilaalinta dhaqanka, suugaanta iyo farshaxanka Soomaaliyeed.
Ujeeddadu waxay ahayd in lagu dhiirrigeliyo jiilka cusub sidii ay u sii wadan lahaayeen ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka taariikhiga ah ee ummadda Soomaaliyeed.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor.


