Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulankaan oo uu soo agaasimay Maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, ayaa ku saabsanaa doorka bulshadda ay ku leedahay nabadda iyo dib u heshiisiinta deegaanadda Galmudug.
Waxaa abaabulka kullanka qeyb ka ahaa jaamacadda Plasma faraceeda gobolka Galgaduud.
Maamulka Caasimadda Dhuusamarreeb, ayaa kullanka ku Marti qaday madasha nabadda iyo Horrumarinta, odoyaasha dhaqanka, qaar ka midda Cullima-owdiinka gobolka Mudug, oo maalmahan Caasimadda Dhuusamarreeb u joogay arrimo la xirriira nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Kullanka waxaa ka qeyb gallay guddoomiyaha gobalka Galgaduud, guddoomiye ku xigeenka maamulka Caasimadda, agaasimayaal, guddoomiyaasha xaafaddaha, aqoonyahanno, abwaanno, bahda waxbarashadda, Cullima-owdiin, odoyaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor