Dhuusamareeb oo lagu soo xiray shir looga hadlayay horumarinta wadooyinka Somaaliya.

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb ugu soo xiray shirka guddiga sare ee mashruuca horumarinta wadooyinka Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta qorshaha qaran ee horumarinta wadooyinka dalka, waxaana ka qeybgalay xubno ka socda wasaaradaha howlaha guud ee dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, iyo khubaro ku takhasustay dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Warkan waxaa soo jeedineya:Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here