Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madashan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug iyo Somali NGO Consortium, ayaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee mashaariicda ka socda Galmudug, caqabadaha haysta hay’adaha, iyo xoojinta iskaashiga dowladda iyo hay’adaha aan dowliga ahayn.
Shirka waxaa si weyn loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan mideysan oo lagu maareeyo xogaha mashaariicda (PIMIS), iyo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Galmudug ee 2026–2030, si loo helo hufnaan, isla xisaabtan, iyo la jaanqaad siyaasadeed oo dhameystiran.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi.