Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta martigelisay doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kursiga tirsigiisu yahay HOP#248.
Doorashadan ayaa waxaa ku tartamayay laba musharax oo kala ah Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Shaafici Axmed Cali.
Ugu dambeyn, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa ku guuleystay kursiga HOP#248, isagoo mar kale ka mid noqon doona xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.