Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha deegaanka Ceel Raage oo ku yaalla duleedka degmada Guriceel. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada guddigu ugu jiro gaarsiinta adeegyada doorashooyinka dhammaan gobollada dalka, si loo xaqiijiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay kaga qayb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Mas’uuliyiinta deegaanka iyo xubno ka socday guddiga ayaa goob joog ka ahaa furitaanka diwaan galinta dadka deegaanka Ceel Raage iyadoo shacabka deegaanka lagu dhiirrigeliyay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan, kana qeyb qaataan diiwaangelinta.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.


