Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Diyaar-garowga Ciida ayaa si weyn looga dareemayaa suuqyada magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Suuqyada magaalada ayaa ah kuwo mashquul ah, iyadoo dadweynuhu ay u badan yihiin haween iyo caruur u soo iibsanaya dharka iyo agabka kala duwan ee loogu dabaaldegayo maalinta Ciida.
Ganacsatada dharka ayaa sheegay in sanadkan suuqu yahay mid shidan, iyadoo dadka ay si aad ah wax u iibsanayaan
Warkaan Waxaa Faah faahinaya= Abdulahi Abdulkadir Nor